Monday, January 10, 2022

KazaDowlada khstan oo qas ka taagan


Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kazakhstan ayaa ku dhawaaqday in xabsiga loo taxaabay 7,939 qof oo lala xiriirinayo qalalaasihii dhawaan dhacay, waxaana mas’uuliyiinta dalkaasi ay shaqada ka ceyriyeen labo sarkaal oo kale oo dhanka ammaanka ah, iyadoo maanta uu shir-madaxeedka hay’adda nabad-sugidda ee Kazakhstan lagu qabanayo.

Sunday, January 9, 2022

War murtiyeed rasmi ah shirka madasha wada tashiga qaran ee Doorashooyinka

   HORDHAC


Golaha Wadatashiga Qaranka waxa ay shir ku yeesheen 3-9 Janaayo 2022 magaalada Muqdisho, shirkaas oo ujeedadiisu aheyd, in lagu dhammeystiro qodobadii iyo habraacyadii lagu gaarey shirkii 24 Ogost 2021, waxaana shir guddoominayay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Eng. Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowladda Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed. Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.


Golaha Wadatashiga Qaranka waxay kaloo kulamo wadatashi ku marti-qaadeen xubno matalaya Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka, Haweenka iyo Bulshada Caalamka.


Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa looga hadlay hagaajinta hufnaanta doorashada. dhameystirka doorashada Golaha Shacabka, waqtiyeynta dhameystirka doorashada Goloha Shacabka, xaqiijinta amniga doorashada iyo warbixin xaaladda guud ee siyaasadda, amniga iyo abaaraha.


Si waafaqsan Heshiiskii Doorashooyinka ee 17 kii sebteembar 2020, Heshiiskii 27-May 2021 iyo Habrancyadii Doorashooyinka ce 01 Oktoobar 2020 iyo 24 Agoosto 2021, Golaha Wadatashiga Qaranku iyagoo tixgalinaya talooyinka iyo cabashooyinka soo gaaray, waxay guddoomiyeen qodobada oo socda:


1- Ka hor inta aan la qaban Doorashada kursi kasta ee Golaha Shacahka waa in la caddeeyo. la diiwaan-galiyo, lana shaaciyo magacyada xubnaha Guddiga Soo Xulista Ergada ee ka kooban Duubabka iyo Caaqillada Rasmiga Ah iyo Bulshada Rayadka ah ee Beelaha ama Jufooyinka Kursiga wadaaga:


2- Guddiga Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS (SIEIT) was in ay la wadaagaan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee ku sugan goobta Doorashada, magacyada xubnaha Guddiga soo xulista Ergada:


3- Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS, waxay u madaxbannaan-yihiin hirgelinta doorashooyinka, si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebtember 2020, 1da Oktoober 2020, 27 May 2021, 22 Ogosto 2021 iyo heshiika war-murtuyeedka 9 Janaayo, 2022;


4- Waa in Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS iyo. Heer Federaal ay xaqiijiyaan Ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka;

5- Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS, Heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadku waa in ay si buuxda u hubiyaan in Musharixiinta u tartamaya Kuraasta Baarlamaanka, Guddiyada Xulista Ergooyinka iyo Ergooyinka la soo xulay ay buuxiyeen Shuruudaha loo dajiyay ee ku xusan heshiisyada iyo hab-raacyada lagu heshiiyay:


6- Soo xulista Ergada waxaa si buuxda ugu madaxbannaan Duubabka, Caaqilada iyo


Bulshada Rayadka ah ee Beesha iyo Jufada leh Kursiga lagumana fara-galin karo;


7- Ka hor inta aan la galin doorashada kursi kasta waa in la tababaraa Guddiyada Xulista Doorashada iyo Ergooyinka doorashada, si ay howlahooda ugu fuliyan, si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada Doorashooyinka;


8- Wan in Ergada aan laga hor istaagi karin la kulanka Musharraxiinta kursiga ku tartamaya;


9. Waa in doorashada kursi kasta ay goob-joogayaal ka yihiin. Guddiga soo xulay Ergada doorashada galaysa, Warbaahinta iyo Goobjoogayaal Madaxbannaan, si mar-quati looga noqdo hufnaanta iyo daah-furnaanta Doorashada kursi kasta;


10-Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ku adkaynayaa dhammaan Guddiyada Maamulka Doorashooyinka iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka in ay si buuxda ugu dhaqmaan Heshiisyada iyo Habraacyada hagaya Doorashooyinka, cid kasta oo isku dayda in ay baalmartana waa lagula xisaab-tamayaa;


11-Si loo ilaaliyo wada-shaqaynta Guddiyada Doorashooyinka, Golaha Wadatashiga Qaranka


wuxuu ku wargalinayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka heerar kooda kala duwan,


in ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala danbaynta, kuna dhaqmaan, si waafaqsan heshiishyada


iyo habraacyada Doorashada ee dagsan;


12-Golaha Wadatashiga Qaranka waxay ku adkeynayaan Guddiyada Maamulka Doorashooyinka, in ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee doorashada Golaha Shacabka ee deegaan doorashooyinka:


13- Musharax kasta oo buuxiya shuruudaha habraacyada Doorashooyinka, lagama hor istaagi karo in uu u tartamo kuriga beeshiisa, waxaana reebban in musharax gaar ah loo xiro kursi Doorasho:


14- Waa in musharraxiinta oo dhammi ay fursad siman u helaan la kulanka, iyo ka dhex ololaynta Ergada kursiga;


15-Ergada dooranaysa Xubnaha Golaha Shacabka waxaa laga dhaafay bixinta qarashka khidmadda waraaqda dambi la'aanta iyo wixii kale ee Khidmad ah;

16-Ciidamada waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Siyaasadda, kuna ekaadaan waajibaadkooda ilaalinta Amniga Dalka iyo Dadka una hoggaansamaan dhammaan Shuruueda iyo xecrarka Dalka:


17- AMISOM waa in ay xoojisaa Amniga Madaxtooyada


18- Doorashada Golaha Shacabka ce hadda socota waxaa lagu soo gabagabeynayaa muddada u dhaxeysa 15 Janaayo ill 25ka Febaraayo;


Qoraa Abdalla Mowlid Ahmed 


Friday, January 7, 2022

Madaxweynaha Jamuuriyadda federalka somalia oo amar soo saaray

Warqadda sumadeedu tahay JFS/XM/ALJ1/01/22

Kuna taariikheeysan : 07 Jannaayo 2022    Kana soo baxday Xafiiska madaxweynaha soomaliya ayaa soo saartay amar ku socda guddomiyaha bangiga dhexe ee soomaaliya

Sunday, October 3, 2021

Madaxweyne farmaajo oo saakay u anba baxay dalka itoobiya


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hadda u safray magaalada Addis Ababa oo ay uga qeyb geli doonaan xafladda dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Itoobiya. 

Saturday, October 2, 2021

Bayaan ka soobaxay beesha caalamka somalia

 Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya* waxay xusayaan in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi "Farmaajo" iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafaadka lagu muujiyey isweydaarsigoodi war-bixinnada ee 16-kii Sebteember 2021.


Si kastaba ha ahaatee, saaxiibbadu waxay ka welwelsan yihiin in arrimaha aasaasiga ah aan weli la xallinin, inkastoo in ka badan laba toddobaad ay jireen dadaallo dhexdhexaadin ah. Hubaal la'aantan siyaasadeed ee socota ayaa sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimaada geeddi-socodka doorashada waxayna horseedday jahwareer ka dhashay hoggaanka Wasaaradda Amniga Gudaha (WAG) iyo Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), kuwaas oo waxtarkoodu muhiim u yahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta xaaladda nabadgelyo ee dalka.


Saaxiibada caalamku waxay ku boorrinayaan


Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha inay sida ugu


dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u


saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii


Sebteember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021 iyo inay hubiyaan


in hay'adaha amniga ee muhiimka ah (WAG iyo NISA) ay


madax u yihiin hoggaamiyeyaal awood u leh oo la


qadariyo, gaar ahaan xilliga doorashada.


Xigasho 

       UN πŸ‡ΈπŸ‡΄ 

Friday, October 1, 2021

Warsaxafadeed ka soo baxay xafiiska raisul wasaaraha somalia

 WAR SAXAAFADEED KU SAABSAN XIISADDA GALMUDUG


• Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu wax laga xumaado u arkaa xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanno ka tirsan Galmudug.


• Ra'iisul Wasaaruhu waxa uu ka tacsiyadeynayaa dadka ku dhintay iska hor-imaadyada dhacay wuxuuna caafimaad deg deg ah Alle uga baryayaa dadkii dhaawacmay.


• Galmudug waxaa ka jirta Dawlad-Goboleed haysata sharciyad buuxda iyada ayaana mas'uul ka ah amniga deegaannada Galmudug, sidaas awgeed waa in laga dheeraado tallaab kasta oo u muuqata mid lagu carqaladaynayo Galmudug.


• Cid kasta oo qabta tabasho waa in ay u martaa xalka dariiq nabadeed, waana in la joojiyaa abaabulka hubaysan iyo weerarada baal-marsan sharciga taas oo halis ku ah xasilloonida, nidaamka iyo kala danbaynta.


• Hoggaanka Galmudug waxaa ay mas'uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nabadgalyada, kala danbaynta iyo wadajirka reer Galmudug, waana in si deg deg ah loo xalliyo xiisadaha iyo khilaafaadka kale ee aan rabshadaha wadan.


• Ra'iisul Wasaaruhu waxa uu ugu baaqayaa dhamaan reer Galmudug maamul iyo shacab in ay gacmaha is qabsadaan una midoobaan dagaalka argagixisada Alshabaab iyo cid kasta oo halis ku ah xasilloonida, dowladnimada iyo horumarka Galmudug.

Maqaalka wasiir jamaal mohamed hassan

 Bismillahi Raxmaani Raxiim!


Waxaan halkan uga mahadnaqayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee shacabka ku nool magaalooyinka Garowe, Qardho, Dhahar iyo inta u dhaxaysa oo si diiran oo sharaf Teh noo soo dhaweeyey aniga iyo wefdigii ila socday dhowaan markii aan safar ku tagney Puntland.


Soo dhoweyntii iyo kulamadii aan la yeelanay dadka deegaanka waxay nagu sii dhiiri gelinayaan in aan sii laba jibaarno, dadaaladdii aan wadnay ee aan shacabka ugu adeegeyney.


Kala duwanaanshaha fikir ka siyaasadeed ma aha in un cagabad ku nogdo horumarinta dalka, u adeegidda bulshada iyo wada noolaanshaha dadka walaalaha ah.


Bulshada deegaanka waxaan ugu baagayaa in ay ilaashadaan amniga, nabada iyo' xasiloonida ay ku wada nool yihiin.


Waxaa jiri doona, hadii Alle idmo, safarro kale oo aan ku tegi doono degaanno kale oo ka tirsan Puntland kulana kulmi doono qaybaha kala duwan ee bulshada.


MAHADSANIDIN XIL. GAMAL M. XASAN

Magacabis madaxweyne hassan shiikh maxamuud oo magacaabay guddomiyaha Cusub ee gobolka banaadir

  MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR IYO DUQA MUQDISHO Muqdisho, Sebteembar 7, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriy...