MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR IYO DUQA MUQDISHO
Abdalla Mowlid
Qisoofinka falanqeeynta wararka caalamka iyo dhacdooyinka What is up number +252619637144
Wednesday, September 7, 2022
Magacabis madaxweyne hassan shiikh maxamuud oo magacaabay guddomiyaha Cusub ee gobolka banaadir
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR IYO DUQA MUQDISHO
Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa la kulmay safiirka dawladda Qatar
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa la kulmay safiirka dawladda Qatar u jooga dalka Kenya Jabor bin Ali Hussein Al-Hawashlah, waxayna isku afgarteen iskaashi balaaran oo ah dhinacyada guryaha, beeraha iyo wax soo saarka batroolka.Ruto ayaa ole-olihiisa doorashada ku galay wax ka qabashada caqabadaha guryaha kahaysata shacabkiisa, Tacabka wax soo saarka beeraha iyo Shidaalka.
Fadlan ku xirnoow si aad marwalbo ula socotid wararka caalamka iyo kuwa wadanka sidookale cayaarahii ayaana ka marnayn meesha ku xirnoow
Friday, April 22, 2022
Wareegto Ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha JFS
MADAXWEYNE FARMAAJO OO WAREEGTO KASOO SAARAY DOORASHOOYINKA ISBARBAR SOCA EE GARBAHAAREEY IYO CEELWAAQ
Thursday, January 20, 2022
Haddii aad wanaag fasho wanaag baa la fishaa
maqaalka waxaa qoray Fahad Yasin Agaasimihi Hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, haatanna ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS
Waxay ahayd 15, kii Agoosto 2018, markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ii magacaabay Ku Xigeenka Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Waxey ahayd masuuliyad culus iyo shaqo igu cusub, balse waxaa ii muuqatay muhiimadda ay leedahay shaqada sirdoonka qaranka oo ah ilaalinta nabadda iyo danaha Qaranka, iyadoo bartil-maameedka ugu horreeya uu yahay helidda xog sugan oo ka dhigi karta sirdoonkeenna mid la isku halleyn karo oo dhammaystiran.
Kolkii aan xog urursadey, una fiirsaday shaqada iyo waajibaadka horyaalla hay'adda waxaan fahmay sadex arrimood oo aad u muhiim u ah.
Waa tan koowaadee, halka dal ka dhismo, ka horumaro, lagana cabbiro awooddiisa inay tahay tayada sirdoonkiisa. Waa tan labaadee, waxaan u tagay saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo xubno kala duwan, oo leh aqoon iyo xirfad lasoo dhisayay tan iyo markii la aasaasay, sanadkii 1970-kii, kuna hubaysan daacadnimo iyo dal jacayl. Waa tan sadexaadee, waxaan la kulmay dhallinyaro karti iyo aqoon leh oo u baahan isku dubarid iyo dib u qaabayn, si ay uga hortagaan ururada argagixisada iyo kooxaha kale ee abaabulan ee khatarta ku ah amniga dalkeenna. Hay’adduna awood buuxda ugu yeelato dhexgalka cadowga iyo helista xogohooda.
Sadexdaas isla jaanqaadkooda ayaa keenaysa in nabadda iyo barwaaqada shacabkeenna ay ku xiran tahay horumarinta iyo tayeynta Sirdoonka Qaranka, sababtoo ah dal aan laheyn amni la isku halleyn karo marna ma gaarayo horumarka iyo barwaaqada uu hiigsanayo.
Tilmaamaha iyo dardaaranka Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ee aan shaqada ku bilaabay waxaa saldhig u ahaa gaarista laba yool; Soo celintii tayada iyo awooddii Sirdoonka Qaranka, si ay tartan ula gasho Hay’adaha dhiggeeda ah ee gobolka iyo qaaraddaba, ulana jaanqaaddo dunida sirdoonka casriga ah, islamarkaana u gudato waajibaadka ka saaran ammaanka Qaranka ee guddaha iyo dibbada.
Tan xigtana, waxay ahayd soocelinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan Sirdoonka Qaranka, waxayna ka bilaabanaysa Xamar oo nabad ah, oo degan, taas oo ah arrin mudan in ahmiyad wadareed lawada siiyo.
Dhanka shaqada waxaa Madaxweyne Farmaajo welwel iyo feker joogta ah ku hayey tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhasha qaraxyada iyo beegsigii tooska ahaa ee lagu ugaarsan jiray hal-doorkii shacabka, iyadoo bil walba la horgayn jiray tirakoob qeexaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan Caasimadda, oo ay bilaha qaar dhici jireen wax ka badan 85 fal danbi, oo u kala qaybsan qarax, beegsi toos ah iyo burburin hanti, ayna ka dhalan jirtay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.
Dhismaha dharcadda [ilaalada shacabka] waxay noqotay qoshe mira dhalay, oo noqday saaxiibka koowaad ee bulshada, tababar heerkiisu sarreeyo iyo tayayn lagu sameeyey dhallinyarada waxbaratay ayaa keentay inay dhismaan dharcadda ilaalada shacabka.
Waxaa xasuus mudan askari katirsan Ilaalada shacabka in loo soo bandhigey
fursad ah in loo magacaabayo Guddoomiye Degmo. Askarigaasi wuu diiday dalabkaas, isagoo ku jawaabay, ilaalada shacabka waa shaqadii ugu wanaagsanayd ee aan Qaranka u qaban lahaa, waana ilaalinta nafta iyo maalka bulshadeenna, taasoo muujinaysa miisaanka iyo micnaha ay agtooda ka leedahay dhalinyarada Soomaaliyeed sugidda amniga bulshada iyo tan Qaranka.
Qorshe isku tashiga ayaa jiray, wuxuuna ahaa qorshe aad u balaaran oo saldhig u noqday sidii loo heli lahaa hay’ad ku taagan wixii lagasoo dhex dhaliyo maskax-shiilka dhallinyarada khubarada ah ee la carbiyey, kuna hawlan sidii afkaar-curintooda loogu rogi lahaa shaqo raadkeeda ay dadku arkayaan oo qaranku u aayo!
Qorshahaas baa keenay in hangool la iskaga qabto wax soosaar aynaan ummad ahaan curintiisa waxba ku lahayn ama la falgalkiisa aanad ku filnayn, kaas oo ku tiirsan, kuna xiran taakulo shisheeye oo si joogta ah kuula nool.
Tan waxay ahayd taladii ugu haboonayd ee la qaatay. Taladaas waxay na gaarsiisay in Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed lagu hago aqoon iyo khibrad ay curiyeen ama la falgaleen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo jecel sidii uu dalkooda u hormari lahaa.
Qiimaynta sadexdii bilood walbaba, waxaa soo hagaagayey jawiga nabadeed ee dalka, waxaana is dhimayay tirada dhimashada ka dhasha falalka kala duwan ee argagixisada, wuxuuna gaaray hoos u dhac ballaaran oo bilaha qaar dhici jireen wax kayar sagaal fal danbiyeed ay ku dhinteen ama ku dhawaacmeen tiro boqolkiiba sagaashan ka hooseysa sidii sanadihii hore ay ahayd.
Madaxweynaha iyo madaxda kala duwan ee Qaranka waxay taas uga dhignayd farxad iyo horumar, waxayna dhiirrigalin joogta ah la garab taagnaayeen shaqada wanaagsan ee ay u tagaanyihiin hay’adaha amniga Qaranka guud ahaan, iyo hay’adaha sirdoonka ee kala duwan.
Dagaalkii qaboobaa wuxuu sirdoonkeenu ahaa mid dunida ka tilmaaman oo dunidu ku kutashato, saamayn weyna kulahaa siyaasadaha dunida iyo xiriirada kala geddisan ee caalamka.
Dhawr dowladood oo qaarada Afrika katirsan oo xilliyo kala duwan aanu kulannay ayaa nooga sheekeeyay sidii sirdoonka Soomaaliya uu sabab ugu noqday dhismaha dalkooda iyo dhismaha hay’adda sirdoonkooda, hadday tahay tababarid iyo qalabaynba.
Mid kamid ah hoggaamiyeyaasha Hay’ad Sirdoon oo dal Afrika ah ka socday oo Xamar igu soo booqday ayaa shirkeennii ku furay in xaruntan NISA uu ku qaatay tababarkiisi koowaad markii la aasaasayey sirdoonka dalkooda sanadkii 1979-kii, wuxuu markale naga codsaday inaan siinno tababaro dhanka la dagaallanka argagixisada ah.
Hay’adaha sirdoonka caalamka kuwooda ugu saamaynta badan waxay sheegaan in NISA ay kamid tahay Hay’adaha ugu awoodda badan qaaradda Afrika xaga la dagaallanka argagixisada, halka Gobolka Geeska Afrikana ay NISA hormuud u tahay dhanka la dagaallanka argagixisada, laguna kalsoonyahay xogtooda iyo khibradooda.
Muddadii aan Agaasimaha Guud ka ahaa Hay'adda Sirdoonka Qaranka, saddex sano ee u dambaysay waxaa booqasho rasm ah noogu yimid Muqdisho ilaa sideed Agaasime Guud oo ka kala yimid dowladaha ugu saamaynta iyo awoodda badan dunida, iyo kuwa qaaradda Afrika oo aan qaarkood daris nahay ama isku khatar amni ah wada leenahay, iyagoo si qotodheer u fahamsanaa awoodda iyo khibradda ay leeyihiin saraakiisha sirdoonka Soomaaliya.
Xusuustayda waxaanan ka tirmi doonin sheekooyin yaab leh oo ahaa kuwo dhaliyay guulo saamayn weyn ku yeeshay nabadda iyo daganaanshaha. Dabcan dhammaantood masoo qaadan karo balse haddii aan soo qaato mid iyo labo; waxaan ogaannay sarkaal katirsan Hay’adda inuu si qarsoodi ah ku guursaday gabar xubin ka ah shabaab, una qaabilsanayd dabagalka sirdoonka Soomaaliya, sarkaalkani wuxuu ahaa sargaalkii labaad ee ay haweenaydaasi sidaas ku guursato. Ujeedku wuxuu ahaa si ay gabbaad ay magaalada ku joogto uga dhigato, shaqooyinkeedana fursad ugu hesho, marka dambana ay khaarijiso.
Sarkaalkii waxaa la faray inuu caadi iska dhigo, lana noolaado, si buuxdana uu usoo wada helo xogta shabakadda ay la shaqayso. Hawlgalkaas wuxuu sahlay in lasoo qabto 12 ka tirsan Maafiyada Shabaab, oo meelo kala duwanna shaqo ka waday, waxaana loo gudbiyey baaritaan, kadibna markii lagu helay dambiyo ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku ridday xukunno kala duwan.
Waxaa iyana jirtay hooyo xaafad joog ah oo dhammaysatay shuruudihii xubinnimada ee kusoo biirista sirdoonka, kana mid ahayd dharcad tababar loo diyaarinayay. Hooyadani markii ay akhrisay warqadihii laga rabay inay saxiixdo, ayay mid kamid ah xafiiskii ay ku saxiixi lahayd soo gashay, waxayna ugu tagtay wiilkeeda oo sugaya inuu ka saxiixo warqadda, taasoo yaab ku noqotay hooyadii, laakiin wiilka waxaa loo sheegay isla maalintaas hal saac ka hor in dadka liiskooda loo soo gudbiyey ay kamid tahay hooyadiis, taasoo laftiisa farxad galisay oo ah in hooyadiis oo aan shaqadiisa waxba kala socon ay waddo sharci ah ku ogaatay meesha uu ka shaqeeyo wiilkeeda.
Horumarka adeegga NISA, waxaa lafdhabar u ah Shacabka qaybihiisa kala duwan, oo qaarkood waddamo kala duwan ku nool yihiin, kuwaas oo sabab u noqday guulo waaweyn oo uu gaaray sirdoonkeenna. Sidoo kale, dunida oo dhan waxay isla qirsantahay, in sirdoonku uu hadafkiisa gaari karo marka uu haysto Madaxweyne hagaya oo leh qorshe qaran oo fogaan arag ku qotomaa, waana sababta uu Madaxweyne Farmaajo marwalba rafiiq iyo wadaay ugu noqday Ciidamada Qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.
Waan hubaal in hammiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan helitaanka dawlad cago adag ku taagan ay qayb ka tahay horumarinta iyo tayaynta laamaha amaanka iyo sirdoonka qaranka. Waxa kale oo hubaal ah in Shacabka Soomaaliyeed ay ku farxayaan kor u qaadidda awoodda iyo jiritaanka nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.
Marka aad wanaag fasho, niyad sami la timaaddo, dad aqoon iyo xirfad u lehna hawsha la kaashato, waxaad filanaysaa natiijo wanaagsan oo waxtar uleh qarankaaga.
(Qoraagu waa Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, haatanna ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS.)
Tuesday, January 11, 2022
Go aan ka soo baxay Isimadda putland Soomaaliya kuna socday Madaxtooyadda putland State
Ku : Madaxwaynaha Dowlada Puntland
UJEEDO: Gudoon Isimo
Kadib shirar uga socday isimadda dhaqanka Puntland gobalka Bari, Bosaso dhibtii ka dhacday magaalada Boosaaso 21-23/12/2021.
Markaan la kulanay bulshada qaybaheeda kala duwan, culimada, ganacsatada, haweenka,
siyaasiinta, iyo cuqaasha iyo cid kasta ay khusayso arinkaan kor ku xusn
Markaan lasameynay wadatashiyo Isimadii noo yimid
Markaan u kuurgalnay shaqada ciimadada PSF ay dowlada Puntland u hayaan, inay yihiin ciidan aan laga maarmikarin tayadooda, aqoontooda, xirfadooda iyo kalinta ay ugu jiraan amniga iyo difaaceeda dowlada Puntland waxaanu gudoominay
1 Gogol dib uheshiisiineed inaan udhigno madaxwaynaha dowlada Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani, saraakiisha PSF iyo masuuliyintii hogaaminaysay ciidamada dhinaca dowladda Puntland ee dirirtu ku dhex martay magaalda Bosaso.
2. Ha'ayada PSF in ay ahaato sideedii hore, agaasimaheeduna ahaado Sareeyo Guuto Maxamuud Cismaan Cabdulaahi, kana shaqayso dib u hagaajinta, tayeynta iyo dib u dhiska ciidnkii kala irdhoobay iyo difaaca Puntland.
3. Dhibkii ka dhacay magaalada Boosaaso 21-23/12/2021 in loo bandhigo shareecada Islaamka xukunkeeda
4. Waxaan usoo jeedinayna Dowlada Puntland in laga laabto heshiiskii Dekeda Bosaso DP World (P&O Ports), maadaama aysan qaban wax la taaban karo mudo ku dhaw 5 sanno.
5. Waxan go'aaminay in 17% dakhliga dekeda magaalada boosaaso loo qoondeeyo horumarinta magaaladda, Dhaqalahaas waxaa gacanta ku hayndoona si wada jir ah Isimada dhaqanka iyo Gudigga horumarinta magaalada loo samayn doono kuwaaso noqon doona Gudi Aamin ah Insha Allaah.
6. Wasaaradaha Downlada Puntland iyo Ha'ayadihii Caalamiga ahaa ee laga raray magaalada Boosaaso in dib loogu soo celiyo madama ay tahay ishii dhaqaalah iyo caasimadii ganacsiga Puntland.
Fiiro Gaar ah:
Magaalada Boosaaso oo ah magaaladii hooyada u ahayd ummada soomaliyeed kad dib burburkii dowlada soomaalia 1991 mudadii ay jirtay Dowlada Puntland, isla markaana ah magaalada ganacsiga iyo isha dhaqaalaha Dowlada Puntland inka ka badan muddo 30 sanno ah ma aysan helin wax tix galin iyo horumarin lataaban karo ah..
Talo soo jeedin
Isimada dhaqanka waxay soo jeedinayaan in Dekedda ay dhistaan ganacsatada reer Puntland gaar ahaan iyo guud ahaanba ganacsatada Soomaaliyeed, si loo dar dar galiyo balaarinta, dhamaystirka iyo qaabaynta dekedda Boosaaso.
Saxiixa Isimada
Bogor Burhaan Boqor Muuse:
Ugaas Xasan ugaas Yaasiin:
Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil:
Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax:
Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin:
Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad:
11/01/2022..
Monday, January 10, 2022
KazaDowlada khstan oo qas ka taagan
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kazakhstan ayaa ku dhawaaqday in xabsiga loo taxaabay 7,939 qof oo lala xiriirinayo qalalaasihii dhawaan dhacay, waxaana mas’uuliyiinta dalkaasi ay shaqada ka ceyriyeen labo sarkaal oo kale oo dhanka ammaanka ah, iyadoo maanta uu shir-madaxeedka hay’adda nabad-sugidda ee Kazakhstan lagu qabanayo.
Sunday, January 9, 2022
War murtiyeed rasmi ah shirka madasha wada tashiga qaran ee Doorashooyinka
HORDHAC
Golaha Wadatashiga Qaranka waxa ay shir ku yeesheen 3-9 Janaayo 2022 magaalada Muqdisho, shirkaas oo ujeedadiisu aheyd, in lagu dhammeystiro qodobadii iyo habraacyadii lagu gaarey shirkii 24 Ogost 2021, waxaana shir guddoominayay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Eng. Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowladda Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed. Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.
Golaha Wadatashiga Qaranka waxay kaloo kulamo wadatashi ku marti-qaadeen xubno matalaya Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka, Haweenka iyo Bulshada Caalamka.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa looga hadlay hagaajinta hufnaanta doorashada. dhameystirka doorashada Golaha Shacabka, waqtiyeynta dhameystirka doorashada Goloha Shacabka, xaqiijinta amniga doorashada iyo warbixin xaaladda guud ee siyaasadda, amniga iyo abaaraha.
Si waafaqsan Heshiiskii Doorashooyinka ee 17 kii sebteembar 2020, Heshiiskii 27-May 2021 iyo Habrancyadii Doorashooyinka ce 01 Oktoobar 2020 iyo 24 Agoosto 2021, Golaha Wadatashiga Qaranku iyagoo tixgalinaya talooyinka iyo cabashooyinka soo gaaray, waxay guddoomiyeen qodobada oo socda:
1- Ka hor inta aan la qaban Doorashada kursi kasta ee Golaha Shacahka waa in la caddeeyo. la diiwaan-galiyo, lana shaaciyo magacyada xubnaha Guddiga Soo Xulista Ergada ee ka kooban Duubabka iyo Caaqillada Rasmiga Ah iyo Bulshada Rayadka ah ee Beelaha ama Jufooyinka Kursiga wadaaga:
2- Guddiga Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS (SIEIT) was in ay la wadaagaan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee ku sugan goobta Doorashada, magacyada xubnaha Guddiga soo xulista Ergada:
3- Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS, waxay u madaxbannaan-yihiin hirgelinta doorashooyinka, si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebtember 2020, 1da Oktoober 2020, 27 May 2021, 22 Ogosto 2021 iyo heshiika war-murtuyeedka 9 Janaayo, 2022;
4- Waa in Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS iyo. Heer Federaal ay xaqiijiyaan Ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka;
5- Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS, Heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadku waa in ay si buuxda u hubiyaan in Musharixiinta u tartamaya Kuraasta Baarlamaanka, Guddiyada Xulista Ergooyinka iyo Ergooyinka la soo xulay ay buuxiyeen Shuruudaha loo dajiyay ee ku xusan heshiisyada iyo hab-raacyada lagu heshiiyay:
6- Soo xulista Ergada waxaa si buuxda ugu madaxbannaan Duubabka, Caaqilada iyo
Bulshada Rayadka ah ee Beesha iyo Jufada leh Kursiga lagumana fara-galin karo;
7- Ka hor inta aan la galin doorashada kursi kasta waa in la tababaraa Guddiyada Xulista Doorashada iyo Ergooyinka doorashada, si ay howlahooda ugu fuliyan, si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada Doorashooyinka;
8- Wan in Ergada aan laga hor istaagi karin la kulanka Musharraxiinta kursiga ku tartamaya;
9. Waa in doorashada kursi kasta ay goob-joogayaal ka yihiin. Guddiga soo xulay Ergada doorashada galaysa, Warbaahinta iyo Goobjoogayaal Madaxbannaan, si mar-quati looga noqdo hufnaanta iyo daah-furnaanta Doorashada kursi kasta;
10-Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ku adkaynayaa dhammaan Guddiyada Maamulka Doorashooyinka iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka in ay si buuxda ugu dhaqmaan Heshiisyada iyo Habraacyada hagaya Doorashooyinka, cid kasta oo isku dayda in ay baalmartana waa lagula xisaab-tamayaa;
11-Si loo ilaaliyo wada-shaqaynta Guddiyada Doorashooyinka, Golaha Wadatashiga Qaranka
wuxuu ku wargalinayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka heerar kooda kala duwan,
in ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala danbaynta, kuna dhaqmaan, si waafaqsan heshiishyada
iyo habraacyada Doorashada ee dagsan;
12-Golaha Wadatashiga Qaranka waxay ku adkeynayaan Guddiyada Maamulka Doorashooyinka, in ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee doorashada Golaha Shacabka ee deegaan doorashooyinka:
13- Musharax kasta oo buuxiya shuruudaha habraacyada Doorashooyinka, lagama hor istaagi karo in uu u tartamo kuriga beeshiisa, waxaana reebban in musharax gaar ah loo xiro kursi Doorasho:
14- Waa in musharraxiinta oo dhammi ay fursad siman u helaan la kulanka, iyo ka dhex ololaynta Ergada kursiga;
15-Ergada dooranaysa Xubnaha Golaha Shacabka waxaa laga dhaafay bixinta qarashka khidmadda waraaqda dambi la'aanta iyo wixii kale ee Khidmad ah;
16-Ciidamada waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Siyaasadda, kuna ekaadaan waajibaadkooda ilaalinta Amniga Dalka iyo Dadka una hoggaansamaan dhammaan Shuruueda iyo xecrarka Dalka:
17- AMISOM waa in ay xoojisaa Amniga Madaxtooyada
18- Doorashada Golaha Shacabka ce hadda socota waxaa lagu soo gabagabeynayaa muddada u dhaxeysa 15 Janaayo ill 25ka Febaraayo;
Qoraa Abdalla Mowlid Ahmed
Magacabis madaxweyne hassan shiikh maxamuud oo magacaabay guddomiyaha Cusub ee gobolka banaadir
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR IYO DUQA MUQDISHO Muqdisho, Sebteembar 7, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriy...
-
HORDHAC Golaha Wadatashiga Qaranka waxa ay shir ku yeesheen 3-9 Janaayo 2022 magaalada Muqdisho, shirkaas oo ujeedadiisu aheyd, in lagu d...
-
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kazakhstan ayaa ku dhawaaqday in xabsiga loo taxaabay 7,939 qof oo lala xiriirinayo qalalaasihii dhawaan...
-
WAR SAXAAFADEED KU SAABSAN XIISADDA GALMUDUG • Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu...

.jpg)