Wednesday, September 29, 2021

Soo islaashaha doorashada aqalka sare baarlamaanka jfs ee somaliland

Waxaa bari subaxii la dhamaystiri doonaa doorashada aqalka ee baarlamaanka jamuuriyada federalka soomaaliya ee soomaliland kuwaas oo maantay low iyo tobanka kuri la doortay lix kamid ah shanta ka dhiman nah loo balan san yahay in ay ka dhacdo nati subax oo taariikhdu tahay 30/09/2021 in ay ka qabsoonto teendhada afjisyooni

Lix kuri loo lagu doortay magaaladda muqdishu

Waxaa ku soo kala baxay lixdii kursi murashaxriinta            1 Abdi haashi Abdullahi 

2 professor Abdi ismail  samatar 

3 Saalax Ahmed jaamac 

4 professor osman aboukar dubbe

5 Layla Ahmed Ismail 

6 Bilaal idiris  Abdullahi 

Lix daas murashax ayaa ku guuleeysatay Senator baarlamaanka 11 aad ee aqalka sare ee somaliland



Tuesday, September 28, 2021

Doorashada bari toole aqalka sare

 Maalin bari ah ay taariikhdu tahay 29/9/2021 waxaa teendhada afsyooni ka dhihi doono darashada aqalka sare ee somaliland sideeda kursi lix kamid ah ayaana lagu dooran doonaa waxaan lix daas kursi u tartamaayo 13 murashax ilaa iyo hadeer lama saadaalin karo dadka ugu cad cad ee soo bixi karo

UEFA Champions League

 PSG     MCI




Cabsidda laga qabo putland

 Wasiir jamaal maxamed xasan oo ka baqaaya ineey putland ka sii mid ahaan waydo federal somalia sabab too ah waxa uu sheegay in aysan hogaaan wanaagsan aysan haysan maxaa heelay putland waxay ubac dhaxaad u tahay federal somalia ay sanaddadii ugu dambeeyay ay ka bayrtay maadaam ay isku aragto waddan waxa uuna ku siidaray waxaan ka qabaa cabsi weyn sariix ah

Xaqiiq Sheeko

 Maqaalkaan dheer ayaan waxaan uga hadlayaa sheeko oo dadka soomaaliyeed aad ay wax uga koror san karaa maa daama ay soo fara badatay aqrista yaasha sheekooyinka aad u xikmada badan waxay sheekada ku bilaaban doontaa sida soo socota 

Waxaan hada ka hor is doontay wiil iyo gabar aad u quruxoon wax soo bartay ayaan sidee ugu haasaawi jireen baraha bulshada ay maalin tii dambe waxa ay ku hishiiyeen in ay is guursadaa waxaana fikradda guurka soo bandhigay sida caadada ah wiilka gabadhuna waa ay la aqbashay  waxa uu si wanaagsan u doontay gabadhii asigoo watay rag badan oo adeeradiis ah waxaa ay u ka ceen in ay gabadhii doonaan markaa muddo isbuuc kadib ah waa dhacay arooskii maalintaas labadaba waxaa wajiyadooda ka muuqday farxad aad u wanaagsan kadib muddo hal sano ka dib waxaa u dhashay wiil aad wanaagsan aabahii guriga waxa uu aaday safar shaqo oo yamen ah muddo markuu soo hadlay kadib warkiisa waa la waayay 

Monday, September 27, 2021

Tacsi

 Allah unaxariisto muqdishu waxaa galinkii hore ee saakay ku geeriyooday isbitaalka yardi mali een ku yaala Mogadishu cabdi murindi dheere (ajakis). Oo ka mid ahaa masraxiista majaajileeste waxaana ka tacsi tiiraanyo leh la qeyb saneenaa qoyskii uu ka baxay 


Waxaan lagu aasay qabuuraha school polozia ee ku yaala muqdisho waxaan lee nahay inaa ilaaahi wa inaa ilayho raajicuun

Saturday, September 25, 2021

Qarax ka dhacay sweden

 Qarax xoog badan oo ka dhacay dhisme apartment ah oo ku yaalla magaalada Goteborg ee dalka Sweden, kaasi oo booliska ay rumeysan yihiin inuu ka dhashay walxaha qarxa, ayaa dhaawacay ugu yaraan 20 qof, ayada oo boqolaal kalena lasoo daad-gureeyey.

Waftiga socda ayaa horkacaayay safiirka UN Somalia Ambassador James swam oo ka dagay Garoowe

 Wafdi ka socday Saaxiibbada Soomaaliya ee caalamiga ah oo ay qeyb ka ahaayeen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Sweden ayaa maanta booqday Puntland, iyagoo la kulmay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani, Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad-Goboleed iyo bulshada rayidka ah, waxa ayna kala hadleen qodobbo ay ka mid yihiin doorashooyinka maxalliga ah iyo tan heer federaal, in ay ahaato saaxada siyaasaddu mid furan iyo arrimo kale.

Monday, September 20, 2021

Maqaal dheer uu qoray Amb sh hassan hundubey jimaacle

 ■XUNDUBEY & ROOBLE!

■MASAR & IMAARAADKA!

■XOGTUNA WAA [HANTI] QARAN OO LAMA QARI KARO!

●Masar:

Ka dib: markii aan dareemay in dawladda Soomaaliya ay dhaqaala la'aan xoogani hayso, ayaan Rooble u tegay. Waxa aan ku iri: walaalow, dhaqaala la'aantaan kuma sii jiri karnee, aan Wadamada Carabta ee afartii sano ee la soo dhaafay aan wax dhaqaala ah oo muuqda na siin, aan albaabadooda garaacno! Carabtiina waa taas heshiisay oo arimihii Gacanka Carabtu waa iska dhamaadeene, yaanan kaligeen meel cidla ah iska fadhine!

Waxa uu igu yiri: waa yahaye, ka soo shaqeey. Waxa aan go'aansaday in aan Masar ka bilaabo. Waxa aan la hadlay rag furayaasha Masar in ay haayaan aan ogaay. Arinkii Masar waa laga soo shaqeeyay. Waana lagu guuleestay. Markii uu arinkii bislaaday, asaga ayaa toos ula xariiray oo waa na dhinac maray, hawshiina waxa uu u dhiibtay DAD ay isku JUFA yihiin!

Markii aan ogaaday AF-GEMBIGAAS, waan u tegay Rooble. Waxa aan ku iri: waaba arkaa dhaqankaaga, ee maxaad Masar ula tegi rabtaa? Waxa uu ii sheegay waxyaaba yaryar oo aan i qancin! Waxa aan ku iri: walaalow, dal walba waxa uu leeyahay dad fura oo ay xantamaan, kuna kalsoonyihiin, ee maad qof iyo laba ka wadatid dadka Masar fura, arinkana horay u soo bisleeyay? Waa uu diiday. Waxa aan mar dambe xog ku helay in markii uu Masar tegay lagu yiri: waxa aad rabto ma taqaanide, marka dambe noo imaaw adiga oo yaqaana waxa aad rabto!

Asaguna marna nalama wadaagin wixii uu socdaalkaas iyo kuwii kale ee faraha badnaa uu kala soo kulmay!

●Imaaraadka:

Markii uu fashiliyay arinkii Masar, waxa aan sii wadnay arinkii Imaaraatka, anaga oo reja ka qabna in uu is garan doono. Sidii hore oo kale waxa aan ku guulaysanay in aan xariirkii Imaaraadka soo celino. Laba jeer ayuu Rooble la kulmay Danjiraha Imaaraadka Soomaaliya u fadhiya. Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliyana waa joogtay fadhiyadaas. Waxa aan ka codsanay Imaaraadka, in ay dhaqaale ugu deeqaan Dawladda Soomaaliya, waana ogolaadeen, wax SHURUUD ah oo ay nagu xireena ma jirin, oo aan ka ahayn in aan RAALI-GELIN ka bixino arimihii lacagta ee horay looga xayiray.

Markii hawshii leesku afgartay waxaa leesku raacay in aan anugu tago Imaaraadka oo aan gogol xaar u sii sameeyo, asaguna uu yimaado. 

Habeenkii talaadada ee 07/09/21, ayaan aniga iyo Rooble balanay oo uu ila dardaarmay.

Hayeeshee,  Rooble wuxa uu mar kale go'aansaday in uu AF-GEMBI kale sameeyo oo uu arinka u dhiibto Dad JUFADIISA ah, anigana uu  DHABAR-JEBIN igu sameeyo.

 Maalintii Arbacada ee 08/09/21, waa maalin kadib uun, markii uu ila dardaarmay, ayuu qaatay go'aan sharci dara ah oo uu leeyahay xiliki waa ka qaaday!

Waxa aan isku dayay dhowr jeer in aan la xariiro oo aan waydiiyo sida ay wax u jiraan? Marnaba Taleefan igama qaban, ilaa haddana isma maqal, hadii laga reebo dad waxgarad ah oo uu ii soo diray oo uu ku yiri: Xundubey igala hadla ee qoraalada ha joojiyo!

Intaa kadib: DADKII ay isku Jufada ahaayeen ayuu u diray Imaaraadka, si ay arinkii ula wareegaan!

Ma aqaano halka arinkaasi ku dambeeyay! Asaga - waa Rooblee - ayaa laga rabaa halka uu arinkaasi ku dambeeyay!

Sida lawada ogyahayna XOGAHA socdaaladiisa oo dhan cid JUFADIISA ka baxsan lama wadaago!

Sida wax u dhaceen oo kooban waa sidaas.

■Xogtuna waa HANTI dadweyne, oo lama qari karo!

Wednesday, September 1, 2021

Kenya maku qanji doontaa

 Kenya maku qanci doontaa kiiska dacwadda badda waa maya maqaal uu qoray wargeeys lagu magacaabo nation ee laga lee yahay kenya ayaa farta ku fiiqay in ayasan Nairobi u hogaansami doonin kiiska muranka beenaadka ee dacwadda badda halkaas oo uu geeyay ciidamo badda uhura kenyatta asigoo sheegay in ay difaacdaan waddankooda asigoo carabka ku dhuftay in ay soomaalidu siyaasiyiintooda isku mashquul san yahiin

Magacabis madaxweyne hassan shiikh maxamuud oo magacaabay guddomiyaha Cusub ee gobolka banaadir

  MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR IYO DUQA MUQDISHO Muqdisho, Sebteembar 7, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriy...