Wednesday, September 7, 2022

Magacabis madaxweyne hassan shiikh maxamuud oo magacaabay guddomiyaha Cusub ee gobolka banaadir


 MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR IYO DUQA MUQDISHO

Muqdisho, Sebteembar 7, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa u magacaabay Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan horumarka Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiye Yuusuf Jimcaale in uu mudnaan siiyo qorshaha xasilinta iyo amniga caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isagoo ku adkeeyey dhammaan hay’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.
Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Arbaco, 7-da Sebteembar, 2022.
DHAMMAAD

Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa la kulmay safiirka dawladda Qatar


Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa la kulmay safiirka dawladda Qatar u jooga dalka Kenya Jabor bin Ali Hussein Al-Hawashlah, waxayna isku afgarteen iskaashi balaaran oo ah dhinacyada guryaha, beeraha iyo wax soo saarka batroolka.Ruto ayaa ole-olihiisa doorashada ku galay wax ka qabashada caqabadaha guryaha kahaysata shacabkiisa, Tacabka wax soo saarka beeraha iyo Shidaalka.


Fadlan ku xirnoow si aad marwalbo ula socotid wararka caalamka iyo kuwa wadanka sidookale cayaarahii ayaana ka marnayn meesha ku xirnoow


Friday, April 22, 2022

Wareegto Ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha JFS

 MADAXWEYNE FARMAAJO OO WAREEGTO KASOO SAARAY DOORASHOOYINKA ISBARBAR SOCA EE GARBAHAAREEY IYO CEELWAAQ

Muqdisho, 22ka Abriil 2022: Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci darro ah oo baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wareegtadan oo lagu socodsiiyay Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ah ee Golaha Shacabka ayaa lagu faray in la xushmeeyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran kala saxiixeen 1dii Oktoobar 2020 iyo 27kii May 2021.
“Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020.”
“Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11aad sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” Ayaa lagu yiri Wareegtada Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wax ka baddalka Heshiiskii 17kii Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib uga wada xaajoodaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo faray inay degdeg isugu yimaadaan si xal dhammeystiran loogu helo kuraasta 16ka ah ee ku astaysan Garbahaareey.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in lasii dardargeliyo doorashooyinka loo madlan yahay ee Guddoonka Labada Aqal iyo doorashada Madaxweynaha sida ugu dhakhsiyaha badan.
DHAMMAAD

Thursday, January 20, 2022

Haddii aad wanaag fasho wanaag baa la fishaa


maqaalka  waxaa qoray Fahad Yasin Agaasimihi  Hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, haatanna ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS 

 


Waxay ahayd 15, kii Agoosto 2018, markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ii magacaabay Ku Xigeenka Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

 

Waxey ahayd masuuliyad culus iyo shaqo igu cusub, balse waxaa ii muuqatay muhiimadda ay leedahay shaqada sirdoonka qaranka oo ah ilaalinta nabadda iyo danaha Qaranka, iyadoo bartil-maameedka ugu horreeya uu yahay helidda xog sugan oo ka dhigi karta sirdoonkeenna mid la isku halleyn karo oo dhammaystiran.

 

Kolkii aan xog urursadey, una fiirsaday shaqada iyo waajibaadka horyaalla hay'adda waxaan fahmay sadex arrimood oo aad u muhiim u ah.

 

Waa tan koowaadee, halka dal ka dhismo, ka horumaro, lagana cabbiro awooddiisa inay tahay tayada sirdoonkiisa. Waa tan labaadee, waxaan u tagay saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo xubno kala duwan, oo leh aqoon iyo xirfad lasoo dhisayay tan iyo markii la aasaasay, sanadkii 1970-kii, kuna hubaysan daacadnimo iyo dal jacayl. Waa tan sadexaadee, waxaan la kulmay dhallinyaro karti iyo aqoon leh oo u baahan isku dubarid iyo dib u qaabayn, si ay uga hortagaan ururada argagixisada iyo kooxaha kale ee abaabulan ee khatarta ku ah amniga dalkeenna. Hay’adduna awood buuxda ugu yeelato dhexgalka cadowga iyo helista xogohooda.

 

Sadexdaas isla jaanqaadkooda ayaa keenaysa in nabadda iyo barwaaqada shacabkeenna ay ku xiran tahay horumarinta iyo tayeynta Sirdoonka Qaranka, sababtoo ah dal aan laheyn amni la isku halleyn karo marna ma gaarayo horumarka iyo barwaaqada uu hiigsanayo.

 

Tilmaamaha iyo dardaaranka Madaxweyne  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ee aan shaqada ku bilaabay waxaa saldhig u ahaa gaarista laba yool; Soo celintii tayada iyo awooddii Sirdoonka Qaranka, si ay tartan ula gasho Hay’adaha dhiggeeda ah ee gobolka iyo qaaraddaba, ulana jaanqaaddo dunida sirdoonka casriga ah, islamarkaana u gudato waajibaadka ka saaran ammaanka Qaranka ee guddaha iyo dibbada.

 

Tan xigtana, waxay ahayd soocelinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan Sirdoonka Qaranka, waxayna ka bilaabanaysa Xamar oo nabad ah, oo degan, taas oo ah arrin mudan in ahmiyad wadareed lawada siiyo.

 

Dhanka shaqada waxaa Madaxweyne Farmaajo welwel iyo feker joogta ah ku hayey tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhasha qaraxyada iyo beegsigii tooska ahaa ee lagu ugaarsan jiray hal-doorkii shacabka, iyadoo bil walba la horgayn jiray tirakoob qeexaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan Caasimadda, oo ay bilaha qaar dhici jireen wax ka badan 85 fal danbi, oo u kala qaybsan qarax, beegsi toos ah iyo burburin hanti, ayna ka dhalan jirtay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.

 

Dhismaha dharcadda [ilaalada shacabka] waxay noqotay qoshe mira dhalay, oo noqday saaxiibka koowaad ee bulshada, tababar heerkiisu sarreeyo iyo tayayn lagu sameeyey dhallinyarada waxbaratay ayaa keentay inay dhismaan dharcadda ilaalada shacabka.

 

Waxaa xasuus mudan askari katirsan Ilaalada shacabka in loo soo bandhigey

fursad ah in loo magacaabayo Guddoomiye Degmo. Askarigaasi wuu diiday dalabkaas, isagoo ku jawaabay, ilaalada shacabka waa shaqadii ugu wanaagsanayd ee aan Qaranka u qaban lahaa, waana ilaalinta nafta iyo maalka bulshadeenna, taasoo muujinaysa miisaanka iyo micnaha ay agtooda ka leedahay dhalinyarada Soomaaliyeed sugidda amniga bulshada iyo tan Qaranka.

 

Qorshe isku tashiga ayaa jiray, wuxuuna ahaa qorshe aad u balaaran oo saldhig u noqday sidii loo heli lahaa hay’ad ku taagan wixii lagasoo dhex dhaliyo maskax-shiilka dhallinyarada khubarada ah ee la carbiyey, kuna hawlan sidii afkaar-curintooda loogu rogi lahaa shaqo raadkeeda ay dadku arkayaan oo qaranku u aayo!

 

Qorshahaas baa keenay in hangool la iskaga qabto wax soosaar aynaan ummad ahaan curintiisa waxba ku lahayn ama la falgalkiisa aanad ku filnayn, kaas oo ku tiirsan, kuna xiran taakulo shisheeye oo si joogta ah kuula nool.

 

Tan waxay ahayd taladii ugu haboonayd ee la qaatay. Taladaas waxay na gaarsiisay in Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed lagu hago aqoon iyo khibrad ay curiyeen ama la falgaleen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo jecel sidii uu dalkooda u hormari lahaa.

 

Qiimaynta sadexdii bilood walbaba, waxaa soo hagaagayey jawiga nabadeed ee dalka, waxaana is dhimayay tirada dhimashada ka dhasha falalka kala duwan ee argagixisada, wuxuuna gaaray hoos u dhac ballaaran oo bilaha qaar dhici jireen wax kayar sagaal fal danbiyeed ay ku dhinteen ama ku dhawaacmeen tiro boqolkiiba sagaashan ka hooseysa sidii sanadihii hore ay ahayd.

 

Madaxweynaha iyo madaxda kala duwan ee Qaranka waxay taas uga dhignayd farxad iyo horumar, waxayna dhiirrigalin joogta ah la garab taagnaayeen shaqada wanaagsan ee ay u tagaanyihiin hay’adaha amniga Qaranka guud ahaan, iyo hay’adaha sirdoonka ee kala duwan.

 

Dagaalkii qaboobaa wuxuu sirdoonkeenu ahaa mid dunida ka tilmaaman oo dunidu ku kutashato, saamayn weyna kulahaa siyaasadaha dunida iyo xiriirada kala geddisan ee caalamka.

 

Dhawr dowladood oo qaarada Afrika katirsan oo xilliyo kala duwan aanu kulannay ayaa nooga sheekeeyay sidii sirdoonka Soomaaliya uu sabab ugu noqday dhismaha dalkooda iyo dhismaha hay’adda sirdoonkooda, hadday tahay tababarid iyo qalabaynba.

 

Mid kamid ah hoggaamiyeyaasha Hay’ad Sirdoon oo dal Afrika ah ka socday oo Xamar igu soo booqday ayaa shirkeennii ku furay in xaruntan NISA uu ku qaatay tababarkiisi koowaad markii la aasaasayey sirdoonka dalkooda sanadkii 1979-kii, wuxuu markale naga codsaday inaan siinno tababaro dhanka la dagaallanka argagixisada ah.

 

Hay’adaha sirdoonka caalamka kuwooda ugu saamaynta badan waxay sheegaan in NISA ay kamid tahay Hay’adaha ugu awoodda badan qaaradda Afrika xaga la dagaallanka argagixisada, halka Gobolka Geeska Afrikana ay NISA hormuud u tahay dhanka la dagaallanka argagixisada, laguna kalsoonyahay xogtooda iyo khibradooda.

 

Muddadii aan Agaasimaha Guud ka ahaa Hay'adda Sirdoonka Qaranka, saddex sano ee u dambaysay waxaa booqasho rasm ah noogu yimid Muqdisho ilaa sideed Agaasime Guud oo ka kala yimid dowladaha ugu saamaynta iyo awoodda badan dunida, iyo kuwa qaaradda Afrika oo aan qaarkood daris nahay ama isku khatar amni ah wada leenahay, iyagoo si qotodheer u fahamsanaa awoodda iyo khibradda ay leeyihiin saraakiisha sirdoonka Soomaaliya.

 

Xusuustayda waxaanan ka tirmi doonin sheekooyin yaab leh oo ahaa kuwo dhaliyay guulo saamayn weyn ku yeeshay nabadda iyo daganaanshaha. Dabcan dhammaantood masoo qaadan karo balse haddii aan soo qaato mid iyo labo; waxaan ogaannay sarkaal katirsan Hay’adda inuu si qarsoodi ah ku guursaday gabar xubin ka ah shabaab, una qaabilsanayd dabagalka sirdoonka Soomaaliya, sarkaalkani wuxuu ahaa sargaalkii labaad ee ay haweenaydaasi sidaas ku guursato. Ujeedku wuxuu ahaa si ay gabbaad ay magaalada ku joogto uga dhigato, shaqooyinkeedana fursad ugu hesho, marka dambana ay khaarijiso.

 

Sarkaalkii waxaa la faray inuu caadi iska dhigo, lana noolaado, si buuxdana uu usoo wada helo xogta shabakadda ay la shaqayso. Hawlgalkaas wuxuu sahlay in lasoo qabto 12 ka tirsan Maafiyada Shabaab, oo meelo kala duwanna shaqo ka waday, waxaana loo gudbiyey baaritaan, kadibna markii lagu helay dambiyo ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku ridday xukunno kala duwan.

 

Waxaa iyana jirtay hooyo xaafad joog ah oo dhammaysatay shuruudihii xubinnimada ee kusoo biirista sirdoonka, kana mid ahayd dharcad tababar loo diyaarinayay. Hooyadani markii ay akhrisay warqadihii laga rabay inay saxiixdo, ayay mid kamid ah xafiiskii ay ku saxiixi lahayd soo gashay, waxayna ugu tagtay wiilkeeda oo sugaya inuu ka saxiixo warqadda, taasoo yaab ku noqotay hooyadii, laakiin wiilka waxaa loo sheegay isla maalintaas hal saac ka hor in dadka liiskooda loo soo gudbiyey ay kamid tahay hooyadiis, taasoo laftiisa farxad galisay oo ah in hooyadiis oo aan shaqadiisa waxba kala socon ay waddo sharci ah ku ogaatay meesha uu ka shaqeeyo wiilkeeda.

 

Horumarka adeegga NISA, waxaa lafdhabar u ah Shacabka qaybihiisa kala duwan, oo qaarkood waddamo kala duwan ku nool yihiin, kuwaas oo sabab u noqday guulo waaweyn oo uu gaaray sirdoonkeenna. Sidoo kale, dunida oo dhan waxay isla qirsantahay, in sirdoonku uu hadafkiisa gaari karo marka uu haysto Madaxweyne hagaya oo leh qorshe qaran oo fogaan arag ku qotomaa, waana sababta uu Madaxweyne Farmaajo marwalba rafiiq iyo wadaay ugu noqday Ciidamada Qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.

 

Waan hubaal in hammiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan helitaanka dawlad cago adag ku taagan ay qayb ka tahay horumarinta iyo tayaynta laamaha amaanka iyo sirdoonka qaranka. Waxa kale oo hubaal ah in Shacabka Soomaaliyeed ay ku farxayaan kor u qaadidda awoodda iyo jiritaanka nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

 

Marka aad wanaag fasho, niyad sami la timaaddo, dad aqoon iyo xirfad u lehna hawsha la kaashato, waxaad filanaysaa natiijo wanaagsan oo waxtar uleh qarankaaga.

 

 

(Qoraagu waa Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, haatanna ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS.)

Tuesday, January 11, 2022

Go aan ka soo baxay Isimadda putland Soomaaliya kuna socday Madaxtooyadda putland State

 Ku : Madaxwaynaha Dowlada Puntland


UJEEDO: Gudoon Isimo


Kadib shirar uga socday isimadda dhaqanka Puntland gobalka Bari, Bosaso dhibtii ka dhacday magaalada Boosaaso 21-23/12/2021.


Markaan la kulanay bulshada qaybaheeda kala duwan, culimada, ganacsatada, haweenka,


siyaasiinta, iyo cuqaasha iyo cid kasta ay khusayso arinkaan kor ku xusn


Markaan lasameynay wadatashiyo Isimadii noo yimid


Markaan u kuurgalnay shaqada ciimadada PSF ay dowlada Puntland u hayaan, inay yihiin ciidan aan laga maarmikarin tayadooda, aqoontooda, xirfadooda iyo kalinta ay ugu jiraan amniga iyo difaaceeda dowlada Puntland waxaanu gudoominay


1 Gogol dib uheshiisiineed inaan udhigno madaxwaynaha dowlada Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani, saraakiisha PSF iyo masuuliyintii hogaaminaysay ciidamada dhinaca dowladda Puntland ee dirirtu ku dhex martay magaalda Bosaso.


2. Ha'ayada PSF in ay ahaato sideedii hore, agaasimaheeduna ahaado Sareeyo Guuto Maxamuud Cismaan Cabdulaahi, kana shaqayso dib u hagaajinta, tayeynta iyo dib u dhiska ciidnkii kala irdhoobay iyo difaaca Puntland.


3. Dhibkii ka dhacay magaalada Boosaaso 21-23/12/2021 in loo bandhigo shareecada Islaamka xukunkeeda


4. Waxaan usoo jeedinayna Dowlada Puntland in laga laabto heshiiskii Dekeda Bosaso DP World (P&O Ports), maadaama aysan qaban wax la taaban karo mudo ku dhaw 5 sanno.


5. Waxan go'aaminay in 17% dakhliga dekeda magaalada boosaaso loo qoondeeyo horumarinta magaaladda, Dhaqalahaas waxaa gacanta ku hayndoona si wada jir ah Isimada dhaqanka iyo Gudigga horumarinta magaalada loo samayn doono kuwaaso noqon doona Gudi Aamin ah Insha Allaah.


6. Wasaaradaha Downlada Puntland iyo Ha'ayadihii Caalamiga ahaa ee laga raray magaalada Boosaaso in dib loogu soo celiyo madama ay tahay ishii dhaqaalah iyo caasimadii ganacsiga Puntland.

Fiiro Gaar ah:


Magaalada Boosaaso oo ah magaaladii hooyada u ahayd ummada soomaliyeed kad dib burburkii dowlada soomaalia 1991 mudadii ay jirtay Dowlada Puntland, isla markaana ah magaalada ganacsiga iyo isha dhaqaalaha Dowlada Puntland inka ka badan muddo 30 sanno ah ma aysan helin wax tix galin iyo horumarin lataaban karo ah..


Talo soo jeedin


Isimada dhaqanka waxay soo jeedinayaan in Dekedda ay dhistaan ganacsatada reer Puntland gaar ahaan iyo guud ahaanba ganacsatada Soomaaliyeed, si loo dar dar galiyo balaarinta, dhamaystirka iyo qaabaynta dekedda Boosaaso.


Saxiixa Isimada


Bogor Burhaan Boqor Muuse:


Ugaas Xasan ugaas Yaasiin:


Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil:


Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax:


Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin:


Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad:

11/01/2022..

Monday, January 10, 2022

KazaDowlada khstan oo qas ka taagan


Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kazakhstan ayaa ku dhawaaqday in xabsiga loo taxaabay 7,939 qof oo lala xiriirinayo qalalaasihii dhawaan dhacay, waxaana mas’uuliyiinta dalkaasi ay shaqada ka ceyriyeen labo sarkaal oo kale oo dhanka ammaanka ah, iyadoo maanta uu shir-madaxeedka hay’adda nabad-sugidda ee Kazakhstan lagu qabanayo.

Sunday, January 9, 2022

War murtiyeed rasmi ah shirka madasha wada tashiga qaran ee Doorashooyinka

   HORDHAC


Golaha Wadatashiga Qaranka waxa ay shir ku yeesheen 3-9 Janaayo 2022 magaalada Muqdisho, shirkaas oo ujeedadiisu aheyd, in lagu dhammeystiro qodobadii iyo habraacyadii lagu gaarey shirkii 24 Ogost 2021, waxaana shir guddoominayay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Eng. Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowladda Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed. Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.


Golaha Wadatashiga Qaranka waxay kaloo kulamo wadatashi ku marti-qaadeen xubno matalaya Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka, Haweenka iyo Bulshada Caalamka.


Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa looga hadlay hagaajinta hufnaanta doorashada. dhameystirka doorashada Golaha Shacabka, waqtiyeynta dhameystirka doorashada Goloha Shacabka, xaqiijinta amniga doorashada iyo warbixin xaaladda guud ee siyaasadda, amniga iyo abaaraha.


Si waafaqsan Heshiiskii Doorashooyinka ee 17 kii sebteembar 2020, Heshiiskii 27-May 2021 iyo Habrancyadii Doorashooyinka ce 01 Oktoobar 2020 iyo 24 Agoosto 2021, Golaha Wadatashiga Qaranku iyagoo tixgalinaya talooyinka iyo cabashooyinka soo gaaray, waxay guddoomiyeen qodobada oo socda:


1- Ka hor inta aan la qaban Doorashada kursi kasta ee Golaha Shacahka waa in la caddeeyo. la diiwaan-galiyo, lana shaaciyo magacyada xubnaha Guddiga Soo Xulista Ergada ee ka kooban Duubabka iyo Caaqillada Rasmiga Ah iyo Bulshada Rayadka ah ee Beelaha ama Jufooyinka Kursiga wadaaga:


2- Guddiga Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS (SIEIT) was in ay la wadaagaan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee ku sugan goobta Doorashada, magacyada xubnaha Guddiga soo xulista Ergada:


3- Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS, waxay u madaxbannaan-yihiin hirgelinta doorashooyinka, si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebtember 2020, 1da Oktoober 2020, 27 May 2021, 22 Ogosto 2021 iyo heshiika war-murtuyeedka 9 Janaayo, 2022;


4- Waa in Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS iyo. Heer Federaal ay xaqiijiyaan Ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka;

5- Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS, Heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadku waa in ay si buuxda u hubiyaan in Musharixiinta u tartamaya Kuraasta Baarlamaanka, Guddiyada Xulista Ergooyinka iyo Ergooyinka la soo xulay ay buuxiyeen Shuruudaha loo dajiyay ee ku xusan heshiisyada iyo hab-raacyada lagu heshiiyay:


6- Soo xulista Ergada waxaa si buuxda ugu madaxbannaan Duubabka, Caaqilada iyo


Bulshada Rayadka ah ee Beesha iyo Jufada leh Kursiga lagumana fara-galin karo;


7- Ka hor inta aan la galin doorashada kursi kasta waa in la tababaraa Guddiyada Xulista Doorashada iyo Ergooyinka doorashada, si ay howlahooda ugu fuliyan, si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada Doorashooyinka;


8- Wan in Ergada aan laga hor istaagi karin la kulanka Musharraxiinta kursiga ku tartamaya;


9. Waa in doorashada kursi kasta ay goob-joogayaal ka yihiin. Guddiga soo xulay Ergada doorashada galaysa, Warbaahinta iyo Goobjoogayaal Madaxbannaan, si mar-quati looga noqdo hufnaanta iyo daah-furnaanta Doorashada kursi kasta;


10-Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ku adkaynayaa dhammaan Guddiyada Maamulka Doorashooyinka iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka in ay si buuxda ugu dhaqmaan Heshiisyada iyo Habraacyada hagaya Doorashooyinka, cid kasta oo isku dayda in ay baalmartana waa lagula xisaab-tamayaa;


11-Si loo ilaaliyo wada-shaqaynta Guddiyada Doorashooyinka, Golaha Wadatashiga Qaranka


wuxuu ku wargalinayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka heerar kooda kala duwan,


in ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala danbaynta, kuna dhaqmaan, si waafaqsan heshiishyada


iyo habraacyada Doorashada ee dagsan;


12-Golaha Wadatashiga Qaranka waxay ku adkeynayaan Guddiyada Maamulka Doorashooyinka, in ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee doorashada Golaha Shacabka ee deegaan doorashooyinka:


13- Musharax kasta oo buuxiya shuruudaha habraacyada Doorashooyinka, lagama hor istaagi karo in uu u tartamo kuriga beeshiisa, waxaana reebban in musharax gaar ah loo xiro kursi Doorasho:


14- Waa in musharraxiinta oo dhammi ay fursad siman u helaan la kulanka, iyo ka dhex ololaynta Ergada kursiga;


15-Ergada dooranaysa Xubnaha Golaha Shacabka waxaa laga dhaafay bixinta qarashka khidmadda waraaqda dambi la'aanta iyo wixii kale ee Khidmad ah;

16-Ciidamada waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Siyaasadda, kuna ekaadaan waajibaadkooda ilaalinta Amniga Dalka iyo Dadka una hoggaansamaan dhammaan Shuruueda iyo xecrarka Dalka:


17- AMISOM waa in ay xoojisaa Amniga Madaxtooyada


18- Doorashada Golaha Shacabka ce hadda socota waxaa lagu soo gabagabeynayaa muddada u dhaxeysa 15 Janaayo ill 25ka Febaraayo;


Qoraa Abdalla Mowlid Ahmed 


Friday, January 7, 2022

Madaxweynaha Jamuuriyadda federalka somalia oo amar soo saaray

Warqadda sumadeedu tahay JFS/XM/ALJ1/01/22

Kuna taariikheeysan : 07 Jannaayo 2022    Kana soo baxday Xafiiska madaxweynaha soomaliya ayaa soo saartay amar ku socda guddomiyaha bangiga dhexe ee soomaaliya

Sunday, October 3, 2021

Madaxweyne farmaajo oo saakay u anba baxay dalka itoobiya


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hadda u safray magaalada Addis Ababa oo ay uga qeyb geli doonaan xafladda dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Itoobiya. 

Saturday, October 2, 2021

Bayaan ka soobaxay beesha caalamka somalia

 Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya* waxay xusayaan in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi "Farmaajo" iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafaadka lagu muujiyey isweydaarsigoodi war-bixinnada ee 16-kii Sebteember 2021.


Si kastaba ha ahaatee, saaxiibbadu waxay ka welwelsan yihiin in arrimaha aasaasiga ah aan weli la xallinin, inkastoo in ka badan laba toddobaad ay jireen dadaallo dhexdhexaadin ah. Hubaal la'aantan siyaasadeed ee socota ayaa sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimaada geeddi-socodka doorashada waxayna horseedday jahwareer ka dhashay hoggaanka Wasaaradda Amniga Gudaha (WAG) iyo Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), kuwaas oo waxtarkoodu muhiim u yahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta xaaladda nabadgelyo ee dalka.


Saaxiibada caalamku waxay ku boorrinayaan


Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha inay sida ugu


dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u


saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii


Sebteember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021 iyo inay hubiyaan


in hay'adaha amniga ee muhiimka ah (WAG iyo NISA) ay


madax u yihiin hoggaamiyeyaal awood u leh oo la


qadariyo, gaar ahaan xilliga doorashada.


Xigasho 

       UN πŸ‡ΈπŸ‡΄ 

Friday, October 1, 2021

Warsaxafadeed ka soo baxay xafiiska raisul wasaaraha somalia

 WAR SAXAAFADEED KU SAABSAN XIISADDA GALMUDUG


• Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu wax laga xumaado u arkaa xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanno ka tirsan Galmudug.


• Ra'iisul Wasaaruhu waxa uu ka tacsiyadeynayaa dadka ku dhintay iska hor-imaadyada dhacay wuxuuna caafimaad deg deg ah Alle uga baryayaa dadkii dhaawacmay.


• Galmudug waxaa ka jirta Dawlad-Goboleed haysata sharciyad buuxda iyada ayaana mas'uul ka ah amniga deegaannada Galmudug, sidaas awgeed waa in laga dheeraado tallaab kasta oo u muuqata mid lagu carqaladaynayo Galmudug.


• Cid kasta oo qabta tabasho waa in ay u martaa xalka dariiq nabadeed, waana in la joojiyaa abaabulka hubaysan iyo weerarada baal-marsan sharciga taas oo halis ku ah xasilloonida, nidaamka iyo kala danbaynta.


• Hoggaanka Galmudug waxaa ay mas'uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nabadgalyada, kala danbaynta iyo wadajirka reer Galmudug, waana in si deg deg ah loo xalliyo xiisadaha iyo khilaafaadka kale ee aan rabshadaha wadan.


• Ra'iisul Wasaaruhu waxa uu ugu baaqayaa dhamaan reer Galmudug maamul iyo shacab in ay gacmaha is qabsadaan una midoobaan dagaalka argagixisada Alshabaab iyo cid kasta oo halis ku ah xasilloonida, dowladnimada iyo horumarka Galmudug.

Maqaalka wasiir jamaal mohamed hassan

 Bismillahi Raxmaani Raxiim!


Waxaan halkan uga mahadnaqayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee shacabka ku nool magaalooyinka Garowe, Qardho, Dhahar iyo inta u dhaxaysa oo si diiran oo sharaf Teh noo soo dhaweeyey aniga iyo wefdigii ila socday dhowaan markii aan safar ku tagney Puntland.


Soo dhoweyntii iyo kulamadii aan la yeelanay dadka deegaanka waxay nagu sii dhiiri gelinayaan in aan sii laba jibaarno, dadaaladdii aan wadnay ee aan shacabka ugu adeegeyney.


Kala duwanaanshaha fikir ka siyaasadeed ma aha in un cagabad ku nogdo horumarinta dalka, u adeegidda bulshada iyo wada noolaanshaha dadka walaalaha ah.


Bulshada deegaanka waxaan ugu baagayaa in ay ilaashadaan amniga, nabada iyo' xasiloonida ay ku wada nool yihiin.


Waxaa jiri doona, hadii Alle idmo, safarro kale oo aan ku tegi doono degaanno kale oo ka tirsan Puntland kulana kulmi doono qaybaha kala duwan ee bulshada.


MAHADSANIDIN XIL. GAMAL M. XASAN

Wednesday, September 29, 2021

Soo islaashaha doorashada aqalka sare baarlamaanka jfs ee somaliland

Waxaa bari subaxii la dhamaystiri doonaa doorashada aqalka ee baarlamaanka jamuuriyada federalka soomaaliya ee soomaliland kuwaas oo maantay low iyo tobanka kuri la doortay lix kamid ah shanta ka dhiman nah loo balan san yahay in ay ka dhacdo nati subax oo taariikhdu tahay 30/09/2021 in ay ka qabsoonto teendhada afjisyooni

Lix kuri loo lagu doortay magaaladda muqdishu

Waxaa ku soo kala baxay lixdii kursi murashaxriinta            1 Abdi haashi Abdullahi 

2 professor Abdi ismail  samatar 

3 Saalax Ahmed jaamac 

4 professor osman aboukar dubbe

5 Layla Ahmed Ismail 

6 Bilaal idiris  Abdullahi 

Lix daas murashax ayaa ku guuleeysatay Senator baarlamaanka 11 aad ee aqalka sare ee somaliland



Tuesday, September 28, 2021

Doorashada bari toole aqalka sare

 Maalin bari ah ay taariikhdu tahay 29/9/2021 waxaa teendhada afsyooni ka dhihi doono darashada aqalka sare ee somaliland sideeda kursi lix kamid ah ayaana lagu dooran doonaa waxaan lix daas kursi u tartamaayo 13 murashax ilaa iyo hadeer lama saadaalin karo dadka ugu cad cad ee soo bixi karo

UEFA Champions League

 PSG     MCI




Cabsidda laga qabo putland

 Wasiir jamaal maxamed xasan oo ka baqaaya ineey putland ka sii mid ahaan waydo federal somalia sabab too ah waxa uu sheegay in aysan hogaaan wanaagsan aysan haysan maxaa heelay putland waxay ubac dhaxaad u tahay federal somalia ay sanaddadii ugu dambeeyay ay ka bayrtay maadaam ay isku aragto waddan waxa uuna ku siidaray waxaan ka qabaa cabsi weyn sariix ah

Xaqiiq Sheeko

 Maqaalkaan dheer ayaan waxaan uga hadlayaa sheeko oo dadka soomaaliyeed aad ay wax uga koror san karaa maa daama ay soo fara badatay aqrista yaasha sheekooyinka aad u xikmada badan waxay sheekada ku bilaaban doontaa sida soo socota 

Waxaan hada ka hor is doontay wiil iyo gabar aad u quruxoon wax soo bartay ayaan sidee ugu haasaawi jireen baraha bulshada ay maalin tii dambe waxa ay ku hishiiyeen in ay is guursadaa waxaana fikradda guurka soo bandhigay sida caadada ah wiilka gabadhuna waa ay la aqbashay  waxa uu si wanaagsan u doontay gabadhii asigoo watay rag badan oo adeeradiis ah waxaa ay u ka ceen in ay gabadhii doonaan markaa muddo isbuuc kadib ah waa dhacay arooskii maalintaas labadaba waxaa wajiyadooda ka muuqday farxad aad u wanaagsan kadib muddo hal sano ka dib waxaa u dhashay wiil aad wanaagsan aabahii guriga waxa uu aaday safar shaqo oo yamen ah muddo markuu soo hadlay kadib warkiisa waa la waayay 

Monday, September 27, 2021

Tacsi

 Allah unaxariisto muqdishu waxaa galinkii hore ee saakay ku geeriyooday isbitaalka yardi mali een ku yaala Mogadishu cabdi murindi dheere (ajakis). Oo ka mid ahaa masraxiista majaajileeste waxaana ka tacsi tiiraanyo leh la qeyb saneenaa qoyskii uu ka baxay 


Waxaan lagu aasay qabuuraha school polozia ee ku yaala muqdisho waxaan lee nahay inaa ilaaahi wa inaa ilayho raajicuun

Saturday, September 25, 2021

Qarax ka dhacay sweden

 Qarax xoog badan oo ka dhacay dhisme apartment ah oo ku yaalla magaalada Goteborg ee dalka Sweden, kaasi oo booliska ay rumeysan yihiin inuu ka dhashay walxaha qarxa, ayaa dhaawacay ugu yaraan 20 qof, ayada oo boqolaal kalena lasoo daad-gureeyey.

Magacabis madaxweyne hassan shiikh maxamuud oo magacaabay guddomiyaha Cusub ee gobolka banaadir

  MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR IYO DUQA MUQDISHO Muqdisho, Sebteembar 7, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriy...