▼

Saturday, October 2, 2021

Bayaan ka soobaxay beesha caalamka somalia

 Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya* waxay xusayaan in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi "Farmaajo" iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafaadka lagu muujiyey isweydaarsigoodi war-bixinnada ee 16-kii Sebteember 2021.


Si kastaba ha ahaatee, saaxiibbadu waxay ka welwelsan yihiin in arrimaha aasaasiga ah aan weli la xallinin, inkastoo in ka badan laba toddobaad ay jireen dadaallo dhexdhexaadin ah. Hubaal la'aantan siyaasadeed ee socota ayaa sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimaada geeddi-socodka doorashada waxayna horseedday jahwareer ka dhashay hoggaanka Wasaaradda Amniga Gudaha (WAG) iyo Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), kuwaas oo waxtarkoodu muhiim u yahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta xaaladda nabadgelyo ee dalka.


Saaxiibada caalamku waxay ku boorrinayaan


Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha inay sida ugu


dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u


saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii


Sebteember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021 iyo inay hubiyaan


in hay'adaha amniga ee muhiimka ah (WAG iyo NISA) ay


madax u yihiin hoggaamiyeyaal awood u leh oo la


qadariyo, gaar ahaan xilliga doorashada.


Xigasho 

       UN 🇸🇴 

No comments:

Post a Comment